Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ku dilay 3-ruux.
Dilkaan ayaa ka dhacay
Xaafadda Seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
3-ruux ayaa hubeysnaa waxayna israsaaseyn ay dhexmartay iyaga iyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Seybiyaano.
Sida wararku sheegayaan, Rag hubeysan oo gaari nooca raaxada watay, ayaa isku dayay iney xoog kaga soo tilaabaan bar Ciidamada ay gaadiidka ku baaraan, iyadoo intaasi kadibna goobta uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Seddexda ruux ayaa goobta lagu dilay waxaana jira khasaare soo gaaray Ciidamadda Dowladda.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga dilay ay ahaayeen shabaab balse ma jiro wax cadeymo.

