Askari Sabab Layaab Leh Ugu Dilay Magaaladda Muqdisho Darawal Mooto Bajaaj!

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilkaan ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Magaaladda Muqdisho.

Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa idaacadda Simba u sheegay in askariga oo saarnaa Mooto Bajaaj kale uu rasaas ku furay wiilka bajaajlaha dhintay islamarkaana uu goobta ku dhintay.

Waxa uu sheegay in  Mootadda uu watay wiilka dhalinyaradda ahaa ay biyo ku farjisay Mootada askariga la socday.

Askariga oo falkaas ka xumaaday ayaa rasaas ku furey wiilka dhalinyaradda ahaa,wuxuuna ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe dilalka ay u geystaan darawaladda Mooto Bajaajka magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here