Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Magaaladda Dhuusa-mareeb ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusuna Waljameeca.
Carabey oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay ka Galmudug ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiska Labadda dhinac,islamarkaana ay rajeynayaan in ay dhawaan dhacdo doorashadda Galmudug.
Waxa uu sheegay in xalinta khilaafka Madaxda Galmuudug uu horseedi in la helo Galmudug mideysan.
Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo warar la xiriira in ay kulmi doonaan isaga iyo madaxweynaha MaamulKa Galmudug oo haatan la heshiiyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), ayaa heshiis la ahaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya tan iyo markii uu soo baxay khilaafka madaxda Maamulka Galmudug.

