Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xiriirkii u jartay dalka Jamhuuriyadda Guniea ee galbeedka qaaradda Afrika.
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dalkaasi uu ku xadgudbay qarannimada Soomaaliya.
“Waxaan umadda Soomaaliyeed la socodsiineynaa in Laga bilaabo saacaadaan ay dowladda Federaalka ay xiririka u jartay dalka la yiraahdo Jamhuuriyadda Guniea oo ay caasimadiisa tahay Konagry”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea ee afrika kadib casuumad uu ka helay dawladda dalkaasi.

