Muhaajiriin Liibiya Ku Xirnaa oo Duqeyn Lagu Laayay,40 Ruux Dhimasho

0

Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeyn lagu weeraray xarun lagu haayo dadka soo galootiga ah oo ku taallo dalka Libya.

In ka badan 80 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkan loo adeegsaday duqeymaha oo ka dhacay bariga magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Dadka ku dhintay duqeyntan ayaa badankood waxa ay yihiin muhaajiriin African ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaar kamid ah dadka dhintay ay kasoo dalalka Somalia iyo Eritrea.

Sanadihii lasoo dhaafay dalka Libya ayaa marin muhiim ah u ahaa soo galootiga African ka ah ee doonaya inay u safraan qaaradda Europe.

Dowladda ay beesha caalamku aqoonsan tahay ee Libya oo uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Fayez al-Serra ayaa cambaareysay weerarkan waxa ayna weerarkan ku eedeeyey inuu ka dambeeyo General-ka mayalka adag ee Khalifa Haftar oo bilihii lasoo dhaafay duulaan ku ahaa magaalada Tripoli.

General Khalifa Haftar ayaa isniintii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu fulin doono duqeymo uu la beegsanayo bartilmaameedyo ku yaallo magaalada Tripoli.

Afhayeen u hadlay ciidamada General Haftar oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa beeninyey iskana fogeeyey in ciidamadiisa ay ka dambeeyaan weerarkaas lala beegsaday xaruntaas lagu hayo dadka soo galootiga ah.

Libya waxaa ka jiro rabshado, qalalaaso iyo kala qeybsan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray lana dilay sanadkii 2011 Muammar Gaddafi oo ku dhawaad nus qarni soo maamulayey dalka Libya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here