Galmudug oo Ka Hadashay Dhaawaca Taliyaha Booliska Gaalkacyo+Dhageyso

0

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa faah-faahin ka bixiyay xaalada caafimaad ee taliyihii saldhiga booliska magaaladda Gaalkacyo cawil nuur ibraahim (Cawil Tubaako),, kaas oo qarax gaarigiisa loogu xiray ku dhaawacmay.

Taliyaha oo watay gaari kuwa raaxada ah ayaa qaraxa gaariga loogu xiray waxaa kasoo gaaray dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha galmudug.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Gobolka Mudug ee Mamulka Galmudug Maxamuud cilmi gulaafe oo idaacada simba waraysi siiyay ayaa sheegay xaalada caafimaad ee taliye cawil nuur ibraahim ay soo hagaagayso.

Wuxuu sheegay xiliga qaraxu uu dhacayay inuu gaariga saarnaa taliyaha oo kaliya dhawacna uu kasoo gaaray.

Amaanka magaaladda gaalkacyo ayuu tilmaamay inuu yahay mid hagaagsan mararka qaarna ay dhacaan falal amni daro.

Magaalada galkacyo qaybta uu ka arimiyo mamulka galmudug waxaa ka dhaca falal amni daro, waxaana falkan ka horeeyay dil loo gastay 9 ruux, dil loo gaystay saraakiil ka tirsanaa mamulka galmudug iyo kuwo u shaqaynayay hay’adaha samafalka.

Qaraxa uu ku dhawaxmay taliya saldhiga ciidanka booliska galkacyo waxaa masuuliyadiisa sheegtay Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here