Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu dhajiyay oo galabta ka dhacay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Qaraxaan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble (Cawil Tubaako).
Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan galmudug Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana la dhigay mid kamid ah isbitaaladda Magaaladda Gaalkacyo.

