Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku waramaya in ay iscasileen xubnihii guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland.
Guddiga oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo wajahay, ayna kamid tahay in ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan.


