Madaxweyne Xaaf oo Cadaado Kusoo Dhaweeyay RW Kheyre+Sawirro

0

Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta kusoo dhaweeyay Magaalada Cadaado wafdi uu hogaaminayo Ra’iisuwasaare Xasan Cali Kheyre.

Wafdi Ra’iisuwasaaraha ayaa safar dhulka ah galinkii dambe ee manta uga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb waxaana afaafka hore ee Magaalada Godinlabe kuga hortagay Madaxda ugu sareysa Galmudug iyo Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowlada Federaalka ah waxaana loosoo gudbiyay Magaalada Cadaado halkaas oo uu boqolaal dadweyne ahi iskugu soo baxeen afaafka hore ee Madaxtooyada Ku-meelgaarka ah ee Galmudug.

Ra’iisuwasaare Kherye oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la tashado Madaxda Galmudug kalana shaqeeyo Horumarka Galmudug.

Waxa uu Madaxweynaha Galmudug ku amaanay sida wanaagsan oo uu uga shaqeeyay Horumarka Galmudug iyo dib u hishiisiinta uu ka sameeyay Galmudug waxa uuna sheegay in uu kala shaqeyn doono sidii loo sii Hormarin lahaa Gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here