Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Magaaladda Cadaado+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xalay gaaray Magaaladda Cadaado ee Maamulka Galmudug,xili labadii maalin aynu soo dhaafnay uu ku sugnaa Deegaanka Godinlabe.

Xildhibaano ka soo jeeda Magaalada Cadaado oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ay ka mid yihiin C/raxmaan Odawaa iyo Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa ku soo dhaweeyay Magaaladda, waxayna yeesheen kulamo looga hadlay xaaladda Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka galmudug ayaa isla maanta magaaladda Cadaado kula kulmi doona Odayaasha Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa todobaadkaan isaga soo guray magaaladda Dhuusa-mareeb uu ku shaqeyn jirey mudooyinkii dambe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here