Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Nabadoonadda Jubba-land.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay oo ah Xaafadda Shaqaalaha kismaayo.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ibraahim jeeri oo kamid ahaa nabadoonadda Beesha Jareerweyne e Jubbland.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka Jubbland ayaa goordhaweyd gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana socda howlgalo.

