Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Wajigiisii sadaxaad Ka Furmay Muqdisho ayaa Waxaa maanta ka qeyb Galay Xubno Horleh
Shirkaan Oo uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa iskugu yimid madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble
Waxaana maalintii labaad ku biiray Xubno ka socda midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka
Maanta ayaana markale wajiga sadaxaan waxa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan ururada bulshada Rayadka ah iyo Ururada Haweenka.
Shirka Golaha wadatashiga Qaran Oo haatan Aragtidiisa la Balaariyay ayaa waxa la filayaan in laga soo saaro War murtiyeed ku qotoma Arimaha Doorashooyinka Dalka iyo Dhameystirkeeda.
Warar ay heshay Idaacada simba ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Goboleedydu ay dood adag ay ka dhexjirto oo ku aadan qodobadii horay loogu heshiiyay iyo in wax laga badalo.

