Ninkaan oo la xiray bartamihii usbuucaan balse xogtiisa hada lasoo bandhigay ayaa la sheegay in lagu tuhunsanyahay in uu la shaqaynayay Al shabaab islamarkaan uu xog u gudbinayay.
Anthony Mbogo oo ka mid ah masuuliyiinta booliska ee bariga Wajir ayaa sheegay in ninkaan oo lagu magacaabo Kuna Mohamed Dahir islamarkaana uu haystay aqoonsiga dalka Kenya,waxaana uu sheegay in la xiray xili uu kusoo wajahnaa Somalia oo uu saarnaa mootada loo yaqaano dhug dhug leyda.
“Waxaa jira shaki ku aadan in warbixino ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidamada ammaanka ee dalka Kenya uu u gudbinayay Al shabaab, baaritaan ayaa waxaa uu tilmaamayaa in uu ninkaan sijoogto u tegijiray Somalia”.
Ninkaan laga shakisanyahay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in laga helay cadaymo ku taariiqaysanaa in bishii June 19, 2013-dii kuwaas oo muujinaya in uu ahaa sargaal boolis ah oo masuul ka ahaa deegaanka Owsqurun oo ka tirsan degmada Elwak Somalia.
Waraaqdaan ayaa sheegay in ay ku qorneed Mr Dahir xilkaas uu u magacaabay taliyihii ciidamada ee Elwak Somalia xiligaas.
Sikasta Mr Mbogo, ayaa sheegay in ninkaan ay dawlada Somalia u xaqiijisay in uusan wax xil ah oo ciidamada ah uusan usoo qaban dawlada Somalia.

