Ergayga Qaramada Midoobe James Swan Oo Maanta Ku Wajahan Dhuusamareeb iyo Sababta Oo La Ogaaday

0
Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)
Ergeyga gaarka ah ee wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay Somalia James Swan ayaa maanta waxa la filayaa in uu gaaro Magaaladda Dhusomarrreb ee Caasimadda Galmudug.
ujeedka safarka uu ku tagayo dhuusamareeb  James swan ayaa waxa la sheeegay in ay tahay sidii loo dardar geli lahaa heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Xubnha Beesha Caalamka ayaa hadda waxa muuqta in si  toos ay  usoo fara galinayaan  hannaanka ay u dhaceyso doorashadda dalka kadib  ismarwaaga siyaasadeed ee hotaagan doorashada oo ay qeybka ka tahay in qaar kamida Maamul Goboleedyada iyo Isbaheysiga Mucaaradka in ay  kasoo horjeesteen Guddiyadda Doorashadda ee Dowladdu Magacaawday kuwaasi  oo ay ku eedeeyee in ay ku jiraan Shaqaale Dowladeed iyo Saraakiil ka tirsan Hay,ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Ee Nisa .
horaanta sanadkaan 2o21 ayaa dalka waxa la filayaan in doorasho ay ka dhacdo waxaana ilaa iyo hada aan tilaabo looqaadin arinkaasi sababo la xariira in wali aan laga heshiin arimaha doorashada islamrkasna uu muran xoogan hareeyay oo dhexeya xubnaha mucaaradka ee musharaxiita oo ay wehluyaan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda haatan talada dalka haya
dowladdu waxa ay aaminsatahay in guddiga ay soo magcowday uu saxanyahahy islamrkaasna ay tanaasul sameysay halka xubnaha mucaarad ee musharaxiintuna ay aminsanyihiin in dowladdu ay damacsantahay in ay qabato doorasho laiska kasii ogyahay cida soo baxeysa taasi oo midowga musharaxiintu ay cabsi xoogan ka qabaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here