warar aan ka helayno gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in dil uu saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka ka tirsan gobolka galgaduud islamrkaasna duleedka ka ah degmada caabudwaaq .
dilkaan ayaa waxa la sheegay in ay geeysteen kooxaha hubeysan oo waddada u galay mid ka mid ah darawalada ka xeeya gadiidka qaadka ka keena dhanka dalka ethoobiya
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdaan hubeysan ay darawalka ku dileen deegaanka caliyaal oo qiyaastii degmada caabudwaaq u jirta 18 km iyadoona deegaankaan la sheegay in uu xigo dhanka Xuduudka soomaaliya iyo ethoobiya .
ilo deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in marxuunka la dilay uu ka mid ah darawalada caan ka ah ee qaadka ka keena dhanka ethoobiya kaas oo magaciisa lagu sheegay faadhigo ibraahim
majirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyada weerarka dhaba galka ah ee lagu dilay darawalkaan qaadka la sheegay in uu ka keeni jiray dalka ethoobiya islamrkaasna uu ka mid ah darawalada ka xeeya gaadiidka qaadka kasoo gudbiya ka dhanka ithoobiya
sidoookale ilaa iyo hada lama oga sababata rasmiga ah ee loo dilay ninkani darawalka ah base muddoyinkii degmbe waxa deegaano iyo degmoyin ka tirsan gobolka galgaduud ka dhacayay dilal iyo afduub la xarrira aanooyin qabiil
iyadoona maleeshiyaad hubeysan ay dhowr jeer deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ay ku beegsadeen dad shacab ah oo halkaasi ku safray islamarkaasna la rasaaseyay gaarigii ay wateen ,waxaana weeraradaasi inta badan geeysta kooxa hubeysan oo aan heybtooda la garanen balse u abaabulan hab beeleed

