Casmaan Dheere wasiirkii Hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Dowladda Dhexe, Maamul goboleedyadda siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Xubnaha beesha Caalamka in ay hortaagan yihiin doorashadda dalka ka dhici laheyd.
Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayuu sheegay in Dhinac walba uu qaadanayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashadda dalka ka dhici laheyd.
Dhanka kale waxa uu sheegay Cismaan Dheere wasiirkii Hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug in mas’uuliyadda ugu weyn ay qaadanayso dowladda Dhexe,gaar ahaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Waxaa xiligaan taagan walwal ku aadan arrimaha doorashadda,waxaana Dowladda Dhexe lagu eedeynayaa in aysan diyaar u aheyn qabsoomidda Doorashadda.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Wasiirkii Hore ee Dastuurka Maamulka Galmudug

