Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Maanta Ku Wajahan Deegaanka Bacaadweyne

0

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xgan laga dareemaya deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug

Dhawaan deegaanka waxa ka dhacayay dagaal udhexeya maleeshiya deegaanka ah iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab kuwaas oo qasaare kala duwan dhaliyay

Waxaana maanta Deegaanka bacaadweyne ku wajawan wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor

Deegaanka bacaadweyne ayaa waxa ka taagan maanta cabsi xoogan oo laga qabo dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dagaalamayaasha al-shabaab iyo maleeshiyada deegaanka

Al-shabaab ayaana waxa la sheegay in laga cabsi qabo in ay weerarku qaadaan ciidamo farabadan oo ka tirsan maamulka galmudug oo ilaalinaya amaanka madaxweynaha maamulka galmudug islamrkaasna waxa laga casi qabaa in al-shabaab ay madaafiic ku weerar maleeshiyada iyo masuuliyiinta maamulka galmudug oo jiro madaxweynaha galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor

Dadka deegaana bacaadweyne ayaana waxa ay baqdin xoogan ka muujinayaan in markale maanta uu dagaal qarar ka qarxo halkaasi maadaama ay daremayaan ciidamada dowlad galmudug ee lasoo dhoobay deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa ay wadaan al-shabaab

Madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor ayaa markiisii ugu horeysay maantaya deegaanka bacaadweyne oo mudooyinkii dambe ay ku dagaalamayeen maleeshiyo dadka deegaanka ah iyo dagaalamayaasha al-shabaab

madaxweynaha maamulka galmudug  ayaa waxa la sheegay in dadka deegaan bacaadweyne uu ka lahadlidoono arimo saabsan xaalada adag ee ka jirta deegaanka

waxaana madaxweyne qoor la tilmaamay in halkaaasi uu utagayo in  dad deegaanka baaweyne uu ku dhiiragaliyo sidii ay adkeysteen amaankooda islamrkaasna ay iskaga difaaceen al-shabaab oo dhowr jeer weeraray

waxaana socdaalka madaxweyanaha galmudug uu kusoo beegmaya xili booqasho maalmo ka hor uu deeganka ku yimid wasiirka amniga galmudug oo deegaanka bacaadweyne kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here