Ciidanka Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Deegaano Hostaga Jamaame

0

Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa mamaulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaano dhawaan dowladdu sheegtay in ay ka saartay Al-Shabaab islamrkaasna  kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa waxa la sheegay in  ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanaadaas jubboyinka.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu sheegay in  dadka dhibaato ba’an ay ku hayeen, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta  Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo la sheegay in mararka qaar ay yimaadaan xubno ka tirsan al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here