Magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool waxaa gaaray wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Koofur Galbeed ayna kamid yihiin wasiirka gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.
Imaanshaha wefdigan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada ay ka soo yeertay qaylo dhaan ku aadan dhibaatada ka dhalatay xayiraadka dagaalamayaasha Alshabaab saareen shacabka gobolka Bakool gaar ahaan Xuddur.
Warbaahinta dowladda ayaa waxa ay ku warantay in mas’uuliyiin hor dhac u ah madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen islamrkaasna la filayo in saacadaha soo aadan uu gaaro madaxweyne lafta gareen.
Xuddur muddo sideed sano ah waxaa gacanta ku haya dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana dowladdu ay sheegtay in arrintaas ay shacabka magaalada ku keentay culeys dhanka nolashada ah, hase yeeshee bilihii u dambeeyay Alshabaab ayaa labo laabay xayiraadka magaalada waxay gubeen gaadiid badan oo magaalada u siday raashiin iyo waxyaabaha nolashaa muhiimka u ah.

