madaxweynayaasha dowlad goboleedyada koonfur galbeed, galmudug iyo hirshabeele ayaa xalay kulan la qaatay midowga musharaxiinta utartamaya xilka madaxweynaha dalka
kulan oo xalay ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa looga hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashada lagu muransan yahay
midowga musharaxiinta dalka ayaa sadaxda madaxweyne wax ka weydiiyay go,aankii ay qaadatay xukuumada faderaalka soomaaliya kaas oo aaha in doorashadu ay dhaceyso cidna aan loo joojineyn islamrkaasna shacabka soomaaliyeed aan waqti kale laga sii dhumin doonin
midowga musharaxiinta ayaa horay loogu sheegay in ay soo gudbiyaan magacyada dadka ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiga doorashada , si shaqooyinka iyo howlaha doorashada horay lagu wado islamrkaasna loogu dagalo arimaha doorashada
balse midowga musharaxiinta oo ka jawaabaya dalabkaasi ah in ay soo gudbiyaan xubnha ay cabashada ka qabaan waxa ay sheegeen in aysan soo gudbin karin sababo la xariira dhanka amniga
midowga musharaxiinta ayaa horay walaac xoogay iyo qaylo dhaan uga muujiyay go,aanka ay xukuumada soomaaliya ugu dhawaaqday doorashada
waxaana ay sheegeen in arinkaasi ay ka xunyihiin islamrkaasna loo baahanyahay in la qabto doorasho loo wada dhanyahay
dhankale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug , hirshabeele iyo koonfur galbeed ayaa waxa la sheegay in ay midowga musharaxinta kala hadleen in ay waaniyaan oo la hadlaan madaxweynayaasha jubbaland iyo puntland in ay soo magacaabaan guddiga doorashada ee ku dhiman si doorashadu aysan waqtigeeda uga dib dhicin

