Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed ka sameeyeen degaan 18 km ujira degaanka toora tooroow ee gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalka ayaa waxa dowladdu sheegtay in ciidanka kumaandoosku ku bur-buriyeen gaari waxyaabaha qarxa ay ku diyaarinayeen dagaalamayaasha al-shabaab kaasi oo warka kasoo baxay dowladda lagu sheegay in ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed balse ciidanka kumaandooska xoogga dalka ay ka badbaadiyay shacabka dhagarta lalamacsanaa.
Sidookale ciidanka gaarka ee kumaandooska xoogga dalka danab ayaa nolosha ku qabtay sadax al-shabaab ah oo gaariga qaraxa ku diyaarinayay sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka qorsheeysan uu ahaa kadib markii ay kawarheleen in dagaalamayaasha al-shabaab ay gaari ku diyaarinayaan waxyaabaha qarxa kaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan hasayeeshee G/le beeryare ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay u diyaarsanyihiin inay naftooda u huraan dadkooda.

