Deg Deg :- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa gordhaweyd ka dhacay isgooska taleex degmada hodan ee gobolkaan banaadir

qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qaarka mid ah degmooyinka gobolka banaadir  ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino wada dhinaceeda la dhigay ,waxaana lala eegtay gaari cabdi bille ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaana ciidanka asluubta

wararka ayaa sheegay in qarax kadib uu muddo kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiid isgooska islamarkaasna ciidamada dowladda ay buux dhaafiyeen goobta uu qaraxu ka dhacay

Qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qarax saakay ka dhacay magalaada muqdisho

dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaan ay waxyeelo kasoo gaartay ilaa iyo afar askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda halka uu qaraxaan sida la sheegay uu ku geeriyooday ruux mooto bajaaj watay oo wadada marayay

marjito wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo qaraxaan lala eegtay ciidanka dowladda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here