Shabaab oo Soo Bandhigay Magacyadda Ragii Fuliyay Weerarkii Manda Bay.

0

Al-shabaab ayaa soo bandhigay Magacayadda iyo sawiradda ragii fuliyay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamadda Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Kenya.

Amiirka Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubayda ayaa kalimad uu jeediyay wuxuu kaga hadlay weerarkii sanad ka hor ka dhacay xerada ciidamada Maraykanka ee Manda Bay ee Kenya.

Abu Cubayda ayaa si faah-faahsan uga hadlay wixii ku kalifay inay xerada weeraraan, khasaarihii ay u geysteen ciidamada Maraykanka, Filimkan cusub waxaa kasoo muuqanaya raggii fuliyay weerarkii Camp Simba.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Manda Bay ee Kenya loogu dilay hal askari tiro kalana lagu dhaawaacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here