Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe ayaa eedeemo culus u jeediyay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Sambaloolshe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ciidamadda u kala saaray Tuugo,iyo Teemkeena,taasina ay dhaawac ku tahay Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe ayaa sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay bilowday in ay iibiso hubkii loogu talagalay dagaalka Shabaab.
“Hadda sitimaankii la soo dhaafay waxaan ognahay hub laga baxshay madaxtooyada oo dad shacab ah loo qeybiyey, marqaatigeeda annaga ayaa heyno,” ayuu yiri Sanbaloolshe

