Madaxweyne Ku xigeenka maamulka jubbaland maxmuude sayid aaadan ayaa Laamaha amniga jubbaland faray in ay dabagal ku sameeyaan dagaalamayaashii ka tirsanaa al-shabaab ee ka dambeeyey falkii lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa
waxaana uu madaxweyne ku xigeenka jubbaland uu amray in ragaasi si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo islamarkaasna loo horgeeyo sharciga.
Dhankale Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa golaha wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa guud ahaan shacabka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka

