Deg Deg : Qarax Xoogan Oo Gordhaw Ka Dhacay Deegaanka Lafoole

0

waarrarka aan ka helayno deegaanka la foole ee duleedka ee gobolka shabeelaaha hoose ayaa waxa ay ku soo waramayaan in qarax ismiidaamin ah goordhaw uu ka dhacay deegaankaasi

qaraxaan ayaa waxa wararku ay sheegeyaan in lala eegtay enjineeradii turkiga ahaa ee dhisayay wadadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

waxaana la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay halka uu qaraxu ka dhacay ay ku sugnaayeen kuwaas oo ilaalo u ahaa injineerada dhisayay wadada

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxii dhacay deegaanka lafoole

waxaana dad goob jooga yaal ah ay kusoo waramayaan in qaar ka mid ah dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii ka dhacay lafoole loola soo cararay isbitaalada ku yaal magaalada muqdisho

majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada weerarkaan ismiidaminta ah ee ka dhacay lafoole balse dagaalamyaasha al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo la beegsaday injineerada dhisaya  wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here