wararka naga soogaaraya gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in bananbaxyo rabshadawata ay kasoconayaan maagaalaada laascaanood islamarkaasna gabi ahaanba ay xiran yihiin suuqyada waaweyn ee magaalada
banan baxyadaan ayaa waxa lasheegay in ay yimaadeen kadib markii qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee suuqyada gobolka sool ay diideen qaadashada laacgta shilinka soomaaliga
waxaana arintaasi ka carooday ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool
dad farabadan ayaa isku soo bax kasameeyay suuqyada magaalada kuwaasi oo diiday in la furo xarun ganacsi
waxaana ay dadku ay sheegeen in aan goob ganacsi la fureynin tan iyo inta laga xalinayo diidamada lagcagta shilin soomaaliga
ganacsatada yar yar ee suuqa ayaa ka mid ah dadka bananbaxayada dhigayay iyagoona sheegay in saakay ay soo ka laheen islamarkaasna aysan aqbaleyn in la diido lacagta shilin soomaaliga
waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loosoo fara galinyo dhibaatada ka taagan suuqyada magaalada laascaanood ee ah diimdama lacagta soomaaliga islamarkaasna ay banan baxyada sii wadi noonan inta cabashadooda laga xalinyo.
inta badan deegaanada maamulka putland muddooyinkii dambe waxa ka dhacayay bananbaxyo looga soo hporjeedo diimada lacagta shilinka soomaaliga
waxaana xusid mudan in madaxweynaha putland uu deegaano ay horay baananbaxyo uga dheceen uu go,aano culus kusoo rogay oo kusaansan diimada lacagta shilinka soomaaliga

