Laamaha amaanka Degmadda Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in kufsi iyo Gowracay isugu daray Haweeney Uur laheyd.
Falkaan ayaa loo geystay marxuum Ubax Maxamed Yaxye oo ahayd Hooyo uur saddex bilood ah leh, taasi oo lagu gowracay duleedka Waqooyi ee degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ninka falkaan geystay ayaa la sheegay in uu baxsaday markii uu dilka geystay,balse baaritaano la sameeyay lagu soo qabtay.
Ehelka gabadha la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka ka hor la kufsadey, waxaana hadda socda baaris ay wadan dhaqaatiir caafimaad iyo saraakiil ka tirsan laanta dambi baarista CID ee degmada Caabudwaaq.
Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay meelo kamid ah Goboladda Dalka Soomaaliya.

