Al-Shabaab Oo Sheegay In Weerar Ay Ku Dileen Askar Burundi Ah

0

warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo la sheegay in lala beegsaday ciidamo ka tisan amisom gaar ahaana ciidamada  dowladda burundi ee ku sugan gudaha soomaaliya

wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay ku soo waramayaa in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar qasaare kala duwan geeystay ay ku qaadeen gaari booyad ah oo shidaal  uwaday ciidamo burundi ah kaasi oo xiligaasi marayay deegaan duleedka ka ah degmada mahadaay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaana guulo ka sheegtay weerarka lagu qaaday Gaariga booyada ah ee ay lahaayeen  ciidanka burundi  oo marayay deegaanka buurane oo qiyaasti 3 kiiloo miter u jira degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe

Al-shabaab wararka ay barahooda interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada burundi ee ka mid ah ciidanka howlgalka midowga Afrika

Sidookale Al-Shabaab waxa ay sheegeen  in burbur xoogan weerarkaan ay ku gaarsiiyeen gaariga booyada ah

inta badan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weeraro nuucani oo kala ah la beegsada ciidamada amisom marka ay u kala gooshayaan magaalooyinka qaar ee gudaha dalka

dhowr jeer oo hore ayay al-shabaab   guulo uga sheegteen weeraro jid gal ah oo ay ku qaadeen ciidamada amisom ee soomaaliya u jooga nabad ilaalinta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here