Qeyb Kamid ah Jirka Guddoomiye Cumar Aadan oo Shabaab u Afduubnaa oo La Helay

0

Booliska Dalka Kenya ayaa helay qeyb kamid ah jirka Guddoomiye deegaan oo jimcihii la soo dhaafay ay afduubteen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha la afduubtay lana Gowracay ayaa lagu magacabi jirey Cumar Aadan Buul,wuxuuna ahaa Guddoomiyaha deegaanka Gumaarey oo ka tirsan Degmadda  Wajeer.

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in Cumar Aadan Buul u egtahay in lagu dilay meel kale, islamarkana madaxiisa oo go’an la soo dhigay deegaanka Khorof,ismaamulka Wajeer.

Arintaan ayaa imaaneysa xili dagaalyahanadda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Jimcihii aynu soodhaafnay Saldhigga deegaanka Gumaarey, waxaana la sheegay in ciidamadii Booliska isaga carareen deegaanka, taasoo keentay in Al-Shabaab soo afduubtaan mas’uulkii deegaankaas oo lagu Magacaabi jirey Cumar Aadan Buul.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here