Al-shabaab ayaa xukun gacan goyn iyo dil ka fuliyay deegaano ka Tirsan Goboladda Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Fagaare kuyaal degmada Aadan Yabaal ee Shabeelaha dhexe waxaa gacanta midig looga gooyay nin lagu magacaabo Mukhtaar Muxidiin Max’med kaasi oo jabsaday dukaan islamarkaana ka qaatay lacag dhan 2600 oo shilin Soomaali ah iyo Mindi.
Ninkan gacanta laga gooyay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu hanti ka xaday goob ganacsi kadibna maxkamadda ayaa ku xukunntay in Mukhtaar oo 18 sana jir ah laga jaro gacanta midig iyo in laga qaado hantidii uu xaday.
Dhinaca kale kale Maxkamadda Shabaab ee Shabeelaha hoose ayaa xukun qisaas ah ku ridday nin horay qof ugu dilay deegaan hoos yimaad degmada Kurtunwaareey.

