Kenya Waxa ay DFS Kala Kulantay Dharbaaxsho Kulul+Dhageyso

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aankii dhawaan xiriirka ugu jartay Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay faragalin ku hayso Siyaasada Gudaha Soomaaliya.

C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiishii Hore balse haatan ah siyaasi Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in go’aan ka xiriirka Kenya uu ahaa mid saxan lana bogaadiyo.

Waxa uu sheegay in Kenya ay fagaralin ku hayso arrimaha Soomaaliya,balse ay haatan la kulantay wajigabax kadib markii loo jaray xiriirkii Diblumaasiyadeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay soo hubeyso Xubno uu kamid yahayAxmed Madoobe Madaxweynaha MaamulkaJubbaland.

Dhanka kale C/rashiid Macalin Gaa soo kamid ahaa Saraakiishii Hore balse haatan ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in taageero u muujiyaan Dowladooda,islamarkaana aysan aamisnin Mucaaradka oo mar walba sheega in loo laaban doono 90-kii, iyo burburkii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here