Safaaradda Somaaliya ee Kenya oo Lasoo Xirey, Shaqaalihii oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

0

Magaaladda muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Illaa 17 xubnood oo isugu jiray Diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgalayay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee Magaaladda Nairobi ayaa la soo xiray, iyadoo loo hoggaansamay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay xiriirkii Diblumaasiyiinta u jartay Dowladda Kenya,kadib markii ay ku eedeysay in ay faraglin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku guuleystay inay labada dal ku qanciyaan in xiriirka dib loo soo celiyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here