waxa sacaadahii lasoo dhaafay lagu soo waramyaa in muwaadiniin soomaaliyeed oo ku ganacsan jirtay dalka koonfur afrika in dil , dhaawac iyo dhac loogu geeystay gudaha dalka koonfur afrika
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxa burcad koonfur afrikaan ah ay dhaceen dukaamo ay lahaayeen muwaadiniin soomaaliyeed islamarkaasna ay dil iyo dhaawac ugeeysteen dhaliyaro soomaaliyeed oo goobohooda ku ganacsanayay
waxaana lagu soo waramayaa in xalay gudaha magaalada durban ee dalka koonfur afrika lagu dilay hal wiil oo soomali ah laba kalena la dhaawacay islamarkaasna waxa sheegay in dhacloogeeystay dukaamadooda
wiilka soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxa magaciisa lagu sheegay cilmi maxamed dhagoole waxaba lasheegay in uu ugeeriyooday rasas ay qeybaha kore ee jirkiisa ay uga fareen burcadu
sidookale waxa la sheegay in weerarkaasi burcadu ku qaaday dukaamada ganacsatada soomaaliyeed ee dalka koonfur afrika in ay ku dhaawacmeen ilaa laba ruuxoo kale
kooxdii burcad koonfur afrikaanka aheyd ee dhaca iyo dilka geeystay ayaa waxa lasheegay in goobta ay iskaga baxsadeen dilka kadib
inta badan muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsata gudaha dalka koonfur afrika ayaa waxasidaan oo kale dil iyo dhacloogu geeystaa dalka koonfur afrika mana jirto ilaa iyo hada cid wax ka qabatay falalkaasi lagu la kacayo muwaadiniinta soomaaliyeed
kooxa burcad ah oo u dhashay dalka koonfur afrika ayaa lasheegay in dilalkaasi iyo dhaacaasi ay ugeeystaan muwadinaanta soomaaliyeed
waxaana xusid mudan in dowlada koonfur afrika oo ogolaansho ganacsi siisay muwaadiniinta soomaaliyeed ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatada sida joogtada ah loogu ganacsatada soomaaliyeed
sidookale dowladda soomaaliya ayaa waxa lasheegay in looga baahnaa in muwaadiniinta soomaaliyed sugida amnigooda ay ku cadaadiso dalka koonfur afrika ama ay kulala xisaabtanto balse aysan muuqan oo ay ka gaabisay

