Al-shabaab Oo Sheegtay In Dad Ay Kusoo Qafaasheen Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidanka Kenya

0

warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab la sheegay in ay ku qaadeen deegaano Dhowr ah oo hoostaga magaalooyinka mandheera iyo  wajeer

waxaana la sheegay in al-Shabaab ay weerar xoogan la beegsadeen tuulada gummarreey oo hoostagta degmada wajeer iyadoona lasheegay in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta tuuladda

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in tuulada gummarreey uu muddo kooban dagaal ku dhexmaray xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamo boolis ah oo ka tirsaana kuwa kenya islamarkaasna ku sugnaa tuulada gummarreey oo aan ka fogeyn wajeer

Al-shabaab oo warkasoo saaray weerarka lagu qaaday ciidanka kenya ayaa waxa ay sheegeen in  weerarkaasi ay qaadeen dagaalamayaal ka tirsan alshabaab islamarkaasna ay gabigaanba gacanta ku dhigeen gacan ku heynta tuulada

waxaana al-shabaab ay intaasi ku dareen in ciidanka kenya markii ay muddo kooban iska ho imaad dhexmaray ay baxsadeen sidaas ay ku la wareegeen tuulada

waxaa kaloo wararka al-shabaab ay ku bahiyaan bartooda interneetka ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen deegaano hoostataga magaalooyinka mandheera iyo wajeer ay kusoo qafaasheen dad islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigeen gudoomiyihii tuulada gummarreey ugu magacoonaa dowladda dalka keenya

wali keenya wax war ah kama soo saarin weerarada  la sheegay in lagu qaaday ciidanka keenya iyo sheegashada alshabaab ee ku aadan in kenya ay dad kasoo qafaasheen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here