Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa howlgal qorsheeysan ay waxa ay ka fuliyeen degmada jamaame iyo nawaaxigeeda, waxaana ay sheegeen inay ku dileen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa jamaame dowladu sheegtay in ay ku dileen 13 xubnood iyo sadax kale oo horjoogayaal ah
sidookale waxa warkasoo baxay dowladda lagu sheegay in nolosha ay kusoo qabteen lix kale oo laba kamid ah ay yihiin horjoogayaal sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Carab Dheeg Axmed wuxuuna intaasi kudaray inay dib kasoo sheegi doonaan wixii warbixino dheeraad ah iyo magacyada horjoogayaasha la dilay iyo kuwa nolosha lagu qabtay.
Taliyaha ayaa sheegay in sidookale ciidanka ay bur-buriyeen xarumo al-shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi jamaame ee gobolka jubada hoose howlgalkana uu ahaa mid qorsheeysan oo lagu doonayo in dagaalamyaasha al-shabaab deegaanada jubbooyinka.
ciidamada dowladda oo garabsiinaya ciidamada maamulka jubbaland ayaa inta badan howlgalo ka fuliya deegaanada dhaca gobolada jubbooyinka islamarkaasna halkaasi dagaalo kula gala dagaalamayaasha al-shabaab.
waxaana xusid mudan in dowladdu ay horay guulo kaga sheegatay howlagalo ciidamada dowladdu ay ka fuliyeen jubbooyinka gaar ahaana gobolka jubbada hoose.

