Madaxweynaha maamulka galmudug ayaa dhamaan tacsi udiray Eheladii iyo qaraabadii ay ka bexeen dadkii shacabka ahaa iyo taliyaashi shalay lagu layay weerarkii ismiidaminta ahaa ee ka dhacay koonfurta magaalada gaalkacyo
waxaana madaxweyynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye qoor qoor ayaa weeerarkaasi ku tilmaamay in uu ahaa mid wu xuushnimo ah
Dhankale Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u geystay naftii halige isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu daabacay bogga rasmi ah ee ay Wasaaradda Amniga ku leedahay baraha bulshada, waxaana uu u qornaa sidan:-
“Ilaahay SWT ha u naxariisto saraakiisha sare, askarta iyo dadka shacabka ah ee weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabtay lagu beegsaday magaalada Gaalkacyo. Inta ku dhaawacantayna ilaahay ha u booga-dhayo.
Wuxuu ahaa weerar argagixisadu ay ku beegsatay ciidamada Qalabka sida ee ku sugan Galmudug ee dadka reer Galmudug ka difaacayey cadowga argagixisada”.
Sidookale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.