Shabaab oo Dhaqdhaqaayo Kawada Mudug oo Rooble Ku Sugan Yahay+Dhageyso

0

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan kawada koonfurta Gobolka mudug iyo qeybo kamid ah Bariga Gobolka Galgaduud.

Shabaabka ayaa Ciidamo fara badan geeyay Degmooyinka Xarardheere,Deegaano Hoostaga Degmooyinka hobyo iyo Cadaado.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Deegaanka, Deeganadaas ayaa lagu arkayaa Shabaab fara badan oo hubeysan.

Mid Kamid ah Dadka Deegaanka oo La Hadlay  Idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ujeedka Shabaabka uu yahay sidii ay qalqal u galin lahaayeen sida wararka ay sheegayaan  wafdiga Raisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Ku Wajahan Degmadda Hobyo ee gobolka Mudug,isagoo booqanaya Dekadda Degmadda.

Waxa uu ka Codsaday  Maamulka Galmudug in ay soo gaaraan si loogu dulqaado Shabaabka Sanadaha badan gacanta ku haya Deegaano katirsan Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here