Raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xaseen rooble oo xalay ka qeyb galayay munaasab ka ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug ayaa waxa uu ka hadlay saraakiishii dhawaan lagu laayay inta udhaxeysa balanbale iyo caabudwaaq ee gobolka galgaduud
Waxaana uu raiisul wasaare maxamed xaseen rooble uu tacsi udiray dhamaan eheladii iyo Shacabka soomaaliyeed oo ay ka bexeen saraakiishaasi uu sheegay in ay ahaayeen dad qiimabadan.
Raiisul wasaare rooble ayaa waxa uu ku amray laamaha amniga maamulka galmudug in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi oo uu raiisul wasaaruhu ku tilmaamay in uu ahaa mid arxandaro ah
waxaana uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen dadka soo horjeeda hormarada ka socda deegaanada maamulka galmudug islamarkaasna loo baahanyahay in lasoo qabto
raiisul wasaare maxamed xuseen rooble oo wali socdaalkiisa uugu maagaalooyinka dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta waxalasheegay in uu ku wajahanyahay magaalada caabudwaaq ee gobolka galgaduud
waxaana uu raiisul wasaare maxamedxuseen rooble la sheegay in markii halkaasi uu gaaro uu kulamo la qaadan doono odayaasha dhaqan iyo qeybha kala duwan ee bulshada reer caabudwaaq
Raiisul wasaaraha ayaa la filayaa in kulamadiisa iyo safarkiisa shaqo uu sii wati islamarkaasna uu gaaro magaalooyinkale oo ka tirsan dowlad goboleedyada dalka

