Al-shabaab oo Dil Ku Fuliyay Nin Kala Geynayay Ragga iyo Dumarka!

0

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay nin ay sheegeen in uu dhibaatooyin u geysan jirey dadka ku nool Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare kuyaal degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool shalay gelinkii dambe.

Maxkamadda maamulka Shabaab ee Tayeegloow ayaa xukun dil ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Isxaaq Xasan Daa’uud oo 70 sana jir ahaa kaasi oo ku shaqeysan jiray Sixirka iyo in uu kala geeyo ragga iyo dumarka.

Qaadiga maxkamadda ayaa fagaaraha xukunku ka dhacayay ka hor sheegay in Saaxirkan ladilay uu dadka kala geyn jiray marmarka qaarna uu iskusoo dhoweyn jiray dadka isagoo adeegsanay sixirka xaaraamta ah.

“Isxaaq Xasan Daa’uud ayaa ayaa muddo 20 sana ah ku shaqeynsanayay Sixirka isagoo dad badan dhibaato ugu geystay, ugu dambeyntii ciidamada Shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogtay Saaxirka oo shareecada Islaamka fartay in ladilo”, ayaa lagu yiri warka Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here