Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar ku tagaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Wafdi horudhac u ah kan Raisulwasaaraha Soomaaliya oo uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa gaaray Magaaladda garoowe.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ee Somalia Partnership Forum ka sheegay inuu safaro ku tagayo Magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.
Qorshaha safarka Rooble ee Magaalooyinka ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.
Puntland iyo Jubbaland ayaa illaa hadda soo gudbin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo saluugsan qaabka dowladda Federaalka ku wajaheyso doorashada.

