Odawaa:-“Looma Nisbeyn Karo Qabiil iyo cid gaar ah Falkii Lagu Laayay Saraakiisha”,!

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay saraakiisha lagu dilay Gobolka Galgaduud ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in falkii lagu laayay saraakiisha uu ahaa mid argagaxisnimo.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in aan falkaas lala xiririn karin arrin qabiil, balse ay rumeysan yihiin inuu ka mid yahay falalkii ay dadka ku leyn jireen Argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

“Looma nisbeyn karo qabiil iyo cid gaar ah, waa fal ka mid ah falalka ay fuliyaan Argagixisada ee lagu yaqiinay in dhiibba umadda Soomaaliyeed iyagoo aan kala fiirin jirin ay ku daadin jireen”ayuu yiri Jen. Odawaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here