Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saraakiil ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga dowladda Soomaaliya oo lagu Dilay Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa saraakiisha oo dhawaan dhameystay Tababar Ciidan waxa ay u galeyn inta u dhaxeysa guriceel iyo Balanbale ee Gobolka galgaduud.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha la dilay loo beegsaday Arrimo Anooyin qabiil.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo loogu hadlaayo weerarka dhacay.

