Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Dagaalyahano ka Tirsan Shaabab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalka khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadda Dowlada Soomaaliya,islamarkaana lagu gubay gaadiid dagaal ay lahaayeen ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya.
Balse Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo beeniyay sheegashadda Al-shaabab,wuxayna sheegeen in ay iska caabiyeen.
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in weerarka Shabaabka la iska difacaay,islamarkaana khasaare aysan soo gaarin ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradda ay ku qaadayaan saldhigyadda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeelaha oo dhawaan la wareegeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.

