Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Shir Isugu Imaanaya

0

Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyadda ayaa isugu imaanaya shir kale si loo xaliyo caqabadaha ku horgudban doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka qeyb galayay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee loo yaqaano Somalia Partnership Forum ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa soo jeediyay in ay shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyadda.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay doorasho loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada oo dhan qeyb ka yihiin.

Waxaa haatan jira khilaaf u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyadda,kaasi oo ka dhashay doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here