Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka koonfur Afrika

0

Kooxo Burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay gudaha dalka koonfur afrika ku dileen muwaadin soomaaliyeed oo ku ganacsanayay dalkaasi koonfur afrika.

rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in xaruntiisa ay ku toogteen muwaadinkaan somaliyeed oo ku suganaa degaanka Danoon oo 21 km u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town.

waxaana la sheegay in muwaadinkaan somaliyeed ee la dilay uu aahaa wiil dhaliyaro ah oo lagu magacaabo maxamuud maxamed aadan islamarkaasna ka mid ahaa dhaliyarada ganacsi ahaanta utagay dalka koonfur afrika

kooxdii burcad koonfur afrikaanka aheyd ee dilka geeysatay ayaa waxa la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen

qaar ka mid ah ganacsatada somaaliyeed ee ku sugan dalka koonfur afrika ayaa waxa ay sheegeen in aad uga xunyihiin dhiibaatada ay ku hayaan burcadu islamarkaasna ay cabsi xoogan soo foodsaaratay,waxaana ay sheegeen in wadaaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen duugta walalokooda oo gacan ka xaqdarani dishay

muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka koonfur afrika ayaa dilaal iyo dhac loogu geeystaa dalkaasi

waxaana aan jirin cid ilaa iyo haatan wax ka qabatay dhibaatooyinka lagu hayo ganacsatada soomaaliyeed

Madaxda dowladda somaliya iyo kuwa dalka koonfur afrika ayaa waxa lagu eedeeeyay in aysan wax weyn ka qaban dilalkaasi loogeysto ganacsatada soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here