Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo lagu qaaday ciidamo kenyaati ah oo ku sugnaa degmada gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka kenya
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fadhiisimo ciidamada kenya ay ku lahaayeen deegaanka amuume oo ka tirsan magaalada gaarisa
Wararka ka imaanaya magaalada gaarisa ayaana waxa ay kusoo waramayaan in weerarkaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Walow aan si dhab ah wali loo xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday ciidanka kenya
Waxaana la sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka booliska kenya lagu dilay weerarka cusub ee lala beegsaday ciidanka keenya.
Dowladda kenya dalka kenya ayaa waxa la sheegay in kadib weerarkaasi ay sheegtay in ay baadi goobeyso laba askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda kuwaasi oo nolol iyo geeri ay sheegtay kenya in lagu la.ayahay
Dhankale Al-Shabaab Wararka ay barahooda internetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen masuuliyada weerar horleh oo ay ku qaadeen fariisimo ciidamada kenya ay ku lahaayeen deegaanka amuume ee magaalada gaarisa
Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in ay weerarka lagu qaaday ciidamada kenya ay ku dileen taliyihiinka booliska deegaanka amuume islamarkaasna ay weeraarkaasi ku dhaaweceen Ku xigeenkii ciidanka booliska deegaanka
Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro labeegsada ciidamada dowladda dalka kenya iyadoona dhowr jeer oo hore al-shabaab ay guulo ugu sheegteen weeraro lagu qaaday Fariisimo ciidanamada keenya ay ku lahaayeen Soomaaliya iyo Gudaha dalka keenya

