Munaasabado lagu xasuusanayo dadkii lagu laayay qaraxii ka dhacay hoetel shaamoow ayaa maanta lagu qabtay magalada caasimada ah ee muqdisho
masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada oo iskugu jiray xildhibaano iyo wasiiro ayaa ka qeyb galay xuska maanta waxaana ay sheegeen in marnaba aysan qalbigooda ka go’idoonin qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay hotel shaamoow islamarkaasna ay xasuusan doonan
wasiirka wasaarada maaliayada xukuumada faderaalka somaliya cabdiraxmaan ducaale beyle ayaa ka mid ahaa dadkii hadalada ka jeediyay munaasabada xuska ah waxaan uu sheegay in 11 sano ka dib wali ay dareemayaan dhibaatada dhacday.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,ayaa manta ka hadlay xuska sanadguurada kow iyo tobnaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee lala beegsaday dad ay ka mid yihiin Wasiirro,Dhaqaatiir,arday iyo marti sharaf kale.
Wasiirka oo manta la hadlay Warbaahita Qaranka ayaa xusay in falkaasi lagu xasuuqay dadkaasi wax ku ool ah uu ahaa mid naxdin leh oo taabtay guud ahaan quluubta shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Dubbe,ayaa xaqiijiyay in dadkii ka taliyay xasuuqaasi aysan gaarin wax faaiido ah,balse ay la kulmeen burbur iyo halaag,wuxuuna intaa raaciyay in qofkii dad xasuuqa isna uusan ka dambeyneyn .
Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,waxa uu ka dhawaajiyay in qarax kasta oo dhaca uusan wax is-hortaag ah ku sameyn Karin horumarka ka socda dalka,sidaa daraadeedna dadka iyo dalka ay awood u leeyihiin in ay horay ugu socdaan wadada ifineysa mustaqbalkooda.
Ugu dambeyntii Wasiirku,ayaa tacsi qaran u diray qoysaskii iyo asaxaabtii ay ka baxeen marxuumiintaasi,wuxuuna alle uga baryay in uu hooy uga dhigo janatul Fardowsa.
Maanta oo kale (3-da December) ee sandkii 2009 waa maalin dadka Soomaaliyeed aanan marnaba dareenkooda hilmaami doonin xasuuqii ka dhacay hotelka shamoow ee magaalada Mudisho oo ay ku nafwaayeen dad fabadan oo qeyb-ka ahaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.
Dadkii ku shahiiday waxaa ka mid ahaa suxufiyiin, Arday, waalidiin, wasiirkii Caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah ee uu ka mid ahaa Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

