Ciidamo La Wareegay Amniga Xarunta Barlamaanka Maamulka Putland

0

maamulka putland ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidamo boolis ah uu ku wareejiyay sugida amniga xarunta barlamaanka putland iyadoo la sheegay in ciidamadii hore in la gawareejiyay kadib cabashhoyin badan oo laga soo gudbiyay

maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa la sheegay in khilaaf yar uu ka dhextaagnaa xildhibaanada barlamaanka putland iyo gudoomiyaha barlamanka putland

waxaana taasi ay keentay in barlamaanku ay cabasho ka gudbiyaan ciidanka ilaalada xarunta barlamaanka kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay u adeegayaan gudoomiyaha islamarkaasna lagu caburinayo xidhibaanada barlamaanka putland

xidhibaanada ayaana waxa la sheegay in ay doonayaan in mooshin ay ka keenan gudoomiyaha barlamaanka maamulka putland si xilka ay uga tuuran

wararka ayaa waxa ay sheegayan in haatan ciidamada booliska dowlad goboleedka  putland si rasmi ah loogu wareejiyay xarunta golaha wakiilada putland

waxaana xusid mudan in todobaadkaan gudihiisa uu baaqday kulan barlamaanka putland taasi oo kentay in xaalada  jirtola ogaado islamarkaasna la xaliyo

waxaana la filayaan in haatan wixii ka dambeeya la guada galin doono sidii laiskugu soo dhaweyn lahaa xildhibaanada uu khilaafku kala dhexeeyo gudoomiyaha barlamaanka  putland si arinta xal waara looga gaaro maadaama aminga lagu wareejiyay ciidamo boolis ah ismarkaasna la xaliyay tabashada xildhibaanada golaha wakiilada putland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here