Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu ka hadlay arima badan oo ku saabsan gobolka gedo iyo mowqifka jubbaland ee arimaha doorashooyinka
Madaxweyna ku xigeenka jubbaland ayaa ku dheeraaday ka hadlida xaalada Gobolka Gedo isagoo sheegay in faragalin ay ku heyso Dowlada Dhaxe ee Dalka.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa waxa sheegay in jubbaland ay iyadu umadax banantahay midnimadeed iyo doorashada deegaanadeed islamarkaasna loobaahanyahay in dowladdu ay faragalinta ka deeyso
Waxaana uu madaxweyna ku xigeenku dowlada faderaalka somaliya ugu hanjabay in hadii aysan doorashada gobolka gedo lagu wareejin jubbland aysan aqbali doonin in doorasho ka dhacdo deegaanada jubbaland
Madaxweyne ku xigeenka jubbaland ayaa waxa sheegay in jubaland oo kaashanaysa shacabkeeda ay dib ulawareehi doonan gobolka gedo
Waxaana uu intaasi ku daray in ay ka warhayaan guddiga doorashooyinka ee ay dowladu soo magacawday oo uu sheegay in aysan cidna aqbalayn in shaaqale laga dhigo guddi doorasho
Dalka ayaa waxa uu galay xaalad kala guur ah waxaana haatan wixi ka dambeeya laifilayaa in loo dareero doorasho
Wallow maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta qaar ay walaac ka muujinayaan guddiga doorashooyinka ay magacawday dowladdu

